Codka Ubax

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

SE11EP04 Sirta Maanka

SE11EP04 Sirta Maanka

Send us a textCabsi, murugo, werwer, walbahaar, iskubuuq.. intaasiba waa xaaladaha fudud ee qofka soo wajahi kara, dhanka caafimaadka maanka. Asma Dhamac oo ku takhasustan cilmigan ayaa ka warramaysa. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 31, • 37:16

SE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"

SE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"

Send us a textWaa barnaamijka Fanka & Suugaanta. Waxa ku casuuman Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed". Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 24, • 30:25

SE11EP02 Qaxii Suudaan

SE11EP02 Qaxii Suudaan

Send us a textDagaalka Suudaan ka qarxan sannadkii 2023-kii, sidee ayuu saameeyay dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaas wax ka dhigan jirey? Daawasho wacan!Support the show

Jan 18, • 1:04:16

SE11EP01 ABDI ADDE

SE11EP01 ABDI ADDE

Send us a textABDI ADDE waa muuqaalsameeye ku shaqaysta telefoonkiisa, muuqaallo qurux badanna soo gudbiya. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 7, • 30:03

SE10EP04 Waan Is Guursannay 4

SE10EP04 Waan Is Guursannay 4

Send us a textWaa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 4, 2024 • 36:37

SE10EP03 Waan Is Guursannay 3

SE10EP03 Waan Is Guursannay 3

Send us a textWaa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 23, 2024 • 17:58

SE10EP02 Waan Is Guursannay 2

SE10EP02 Waan Is Guursannay 2

Waa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 16, 2024 • 15:47

SE10EP01 Waan Is Guursannay

SE10EP01 Waan Is Guursannay

Waa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 13, 2024 • 13:54

SE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed"

SE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed"

Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan!Support the Show.

Jun 28, 2024 • 33:41

SE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq Xasiliye

SE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq Xasiliye

Waa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan.Support the Show.

May 31, 2024 • 39:08

SE09EP05 Qoraalka & Dhaqanka

SE09EP05 Qoraalka & Dhaqanka

Muna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan!Support the Show.

May 10, 2024 • 32:44

SE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka Thyroid

SE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka Thyroid

Maxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan!Support the Show.

May 3, 2024 • 25:48

SE09EP03 Khilaafyada Soomaalida

SE09EP03 Khilaafyada Soomaalida

Maxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan!Support the Show.

Apr 26, 2024 • 33:28

SE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed"

SE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed"

Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 19, 2024 • 30:00

SE09EP01

SE09EP01

Siyaabo gurracan ayay Soomaalidu inta badan u adeegsataa baraha bulshada. Waxa aannu sheekaysannay Cabdillaahi Xasan Ganey. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 12, 2024 • 24:30

SE08EP06 Waa Layga Guursaday 13

SE08EP06 Waa Layga Guursaday 13

Waa taxanihii "Waa Layga Guursaday", qaybtii 13-aad. Dhegaysi wacan!Support the show

Dec 10, 2023 • 12:04

SE08EP5: Dhuusamareeb

SE08EP5: Dhuusamareeb

Waxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 10, 2023 • 44:58

SE08EP04: Hadhiwaa

SE08EP04: Hadhiwaa

Hadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 27, 2023 • 1:03:59

SE08EP03: Murtida Maansada Urugo

SE08EP03: Murtida Maansada Urugo

Maansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 14, 2023 • 45:41

SE08EP02 Foosiya Rindai

SE08EP02 Foosiya Rindai

Waxa aannu magaalada Stockholm kula sheekaysannay Foosiya Rindai.Support the show

Sep 29, 2023 • 23:35

SE08EP01 Dimuqraadiyaynta Tacliinta

SE08EP01 Dimuqraadiyaynta Tacliinta

Cabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 15, 2023 • 27:05

SE07EP11 Caweyska Boorama

SE07EP11 Caweyska Boorama

Caweyska Boorama iyo Codka Ubax. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 1, 2023 • 1:09:50

SE07EP10 Beledweyn

SE07EP10 Beledweyn

Waxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan!Support the show

Aug 11, 2023 • 30:36

SE07EP09 Qays Qeyser

SE07EP09 Qays Qeyser

Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan!Support the show

Jul 7, 2023 • 1:11:51

SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12

SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 16, 2023 • 37:01

SE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-Heellood

SE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-Heellood

Silsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 9, 2023 • 1:34:11

SE07EP06 Caweyska Burco

SE07EP06 Caweyska Burco

Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan!Support the show

Jun 2, 2023 • 53:06

SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida

SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida

Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 1, 2023 • 27:04

SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun

SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun

Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan!Support the show

May 12, 2023 • 51:56

SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga

SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga

Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay.  Dhegaysi wacan!Support the show

May 1, 2023 • 27:26

SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11

SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan.Support the show

Mar 4, 2023 • 29:03

SE07EP01 Bandhigga Hangoolka

SE07EP01 Bandhigga Hangoolka

”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! Support the show

Feb 24, 2023 • 26:56

SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada

SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada

Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 4, 2022 • 45:53

SE06EP07 Udbaha Nolosha

SE06EP07 Udbaha Nolosha

Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 9, 2022 • 51:22

SE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?

SE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?

Dr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadannimo. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 30, 2022 • 42:18

SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka

SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka

Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 24, 2022 • 1:01:21

SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10

SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 16, 2022 • 25:14

SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa

SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa

Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 9, 2022 • 45:35

SE06EP02 - Hadraawi

SE06EP02 - Hadraawi

Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan!Support the show

Aug 30, 2022 • 1:02:04

SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh

SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh

Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan!Support the show

Aug 21, 2022 • 1:07:05

SE05EP12 Fan iyo Fannaan

SE05EP12 Fan iyo Fannaan

Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 18, 2022 • 59:41

SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9

SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9

Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 10, 2022 • 17:30

SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?

SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?

Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso.Support the show

Jun 3, 2022 • 53:37

SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka

SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka

Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan!Support the show

May 27, 2022 • 43:29

SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8

SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8

Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!Support the show

May 20, 2022 • 14:29

SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland

SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland

Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!Support the show

May 13, 2022 • 30:35

SE05EP06 Ciid Wanaagsan

SE05EP06 Ciid Wanaagsan

Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!Support the show

May 2, 2022 • 19:57

SE05EP05 Dalxiiskii Riyada

SE05EP05 Dalxiiskii Riyada

Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 29, 2022 • 30:02

SE05EP4 Digrigii Xubbiga

SE05EP4 Digrigii Xubbiga

Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. Support the show

Apr 22, 2022 • 39:57

SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7

SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7

Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 18, 2022 • 19:25

SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha

SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha

Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 15, 2022 • 53:50

SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa

SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa

Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 8, 2022 • 47:27

SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas

SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas

Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!Support the show

Dec 10, 2021 • 56:00

SE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello"

SE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello"

Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 19, 2021 • 52:39

SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi

SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi

Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!Support the show

Nov 5, 2021 • 36:54

SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6

SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6

Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! Support the show

Sep 24, 2021 • 12:51

SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby

SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby

Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! Support the show

Sep 10, 2021 • 19:34

SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka

SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka

Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!Support the show

Aug 20, 2021 • 41:23

SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5

SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5

Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!Support the show

Aug 13, 2021 • 12:45

SE04EP08 Ciid Wanaagsan

SE04EP08 Ciid Wanaagsan

CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!Support the show

Jul 23, 2021 • 15:18

SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya

SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya

Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon!Support the show

Jul 9, 2021 • 46:59

SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda

SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda

Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!Support the show

Jul 2, 2021 • 30:14

SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2

SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2

Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 25, 2021 • 1:25:52

SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1

SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1

Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 18, 2021 • 59:35

SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4

SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 4, 2021 • 10:19

SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland

SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland

Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddi

May 28, 2021 • 31:40

SE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac Yeelan

SE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac Yeelan

Quruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan!Support the show

May 21, 2021 • 52:27

SE03EP14 La Cawee Codka Ubax

SE03EP14 La Cawee Codka Ubax

Waa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! Support the show

Apr 9, 2021 • 44:45

SE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah Leh

SE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah Leh

Maxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 2, 2021 • 48:07

SE03EP12 Waa Layga Guursaday 3

SE03EP12 Waa Layga Guursaday 3

Waa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan!Support the show

Mar 26, 2021 • 15:00

SE03EP11 Himilada Ciyaaraha Hablaha

SE03EP11 Himilada Ciyaaraha Hablaha

In bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan!Support the show

Mar 19, 2021 • 27:42

SE03EP10 Ayeeyo Xaawa Ismaaciil

SE03EP10 Ayeeyo Xaawa Ismaaciil

Aan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan!Support the show

Mar 13, 2021 • 45:04

SE03EP09 Xidhiidhka Afka & Dhaqanka

SE03EP09 Xidhiidhka Afka & Dhaqanka

Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan!Support the show

Feb 26, 2021 • 1:07:25

SE03EP08 Digtoorkii Bajaajta

SE03EP08 Digtoorkii Bajaajta

Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan!Support the show

Feb 19, 2021 • 12:42

SE03EP07 Caweyska Hargeysa & Galaydh

SE03EP07 Caweyska Hargeysa & Galaydh

Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! Support the show

Feb 12, 2021 • 36:15

SE03EP06 Yaad Ku Dayataa?

SE03EP06 Yaad Ku Dayataa?

Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 29, 2021 • 1:17:34

SE03EP05 Waa Layga Guursaday 2

SE03EP05 Waa Layga Guursaday 2

Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 22, 2021 • 20:34

SE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta Bulshada

SE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta Bulshada

Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 15, 2021 • 39:03

SE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda Dhaqaale

SE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda Dhaqaale

Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 12, 2021 • 32:43

SE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & Caqabadaha

SE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & Caqabadaha

Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. Support the show

Jan 8, 2021 • 33:41

SE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka Ubax

SE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka Ubax

Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan!Support the show

Jan 5, 2021 • 26:49

SE02EP20 Suugaanta Weedhsame & Noocyadeeda

SE02EP20 Suugaanta Weedhsame & Noocyadeeda

Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan!Support the show

Dec 11, 2020 • 37:40

SE02EP19 Tabaha Hagidda Bulshada

SE02EP19 Tabaha Hagidda Bulshada

Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!Support the show

Dec 4, 2020 • 16:46

SE02EP18 Dhisidda Kalsoonida Qoyska

SE02EP18 Dhisidda Kalsoonida Qoyska

Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha  Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 27, 2020 • 31:48

SE02EP17 Jacaylka & Nacasnimada Maxaa Ka Dhexeeya?

SE02EP17 Jacaylka & Nacasnimada Maxaa Ka Dhexeeya?

Marka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 20, 2020 • 30:36

SE02EP16 Maxamed M. Cabdi "Haykal"

SE02EP16 Maxamed M. Cabdi "Haykal"

Inta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba?  Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 13, 2020 • 32:07

SE02EP15 Cabdillaahi Xasan Ganey

SE02EP15 Cabdillaahi Xasan Ganey

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan!Support the show

Nov 6, 2020 • 31:25

SE02EP14 Difaaca Nebiga

SE02EP14 Difaaca Nebiga

Waxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan.Support the show

Oct 30, 2020 • 16:47

SE02EP13 Cisbitaalka Jacaylka

SE02EP13 Cisbitaalka Jacaylka

Qofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan! Support the show

Oct 23, 2020 • 23:45

SE02EP12 Sucaad Carmiye

SE02EP12 Sucaad Carmiye

Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 16, 2020 • 38:42

SE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii Dheeraa

SE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii Dheeraa

Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan!Support the show

Oct 10, 2020 • 44:08

SE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda Jacaylka

SE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda Jacaylka

Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan. Support the show

Oct 2, 2020 • 38:19

SE02EP09 Dhal Wadaad La Moodyey

SE02EP09 Dhal Wadaad La Moodyey

Tabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 25, 2020 • 16:29

SE02EP08 Abwaan Siddiiq Burmad

SE02EP08 Abwaan Siddiiq Burmad

Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan!Support the show

Sep 18, 2020 • 46:05

SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday

SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday

Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan!Support the show

Jul 25, 2020 • 22:45

SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?

SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?

Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. Support the show

Jul 18, 2020 • 32:58

SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf

SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf

Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. Support the show

Jul 10, 2020 • 22:01

SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan

SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan

Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u naxariisto. Support

Jun 21, 2020 • 27:38

SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1

SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1

Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa. Support the show

Jun 13, 2020 • 24:07

SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil

SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil

Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan!Support the show

Jun 5, 2020 • 12:21

SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa

SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa

Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka. Support the show

May 29, 2020 • 9:41

SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1

SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1

Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan!Support the show

Apr 17, 2020 • 31:43

SE01EP11 Fathia Absie

SE01EP11 Fathia Absie

Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba. Support the show

Apr 10, 2020 • 46:44

SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden

SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden

Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah. Support the show

Mar 27, 2020 • 26:48

SE01EP09 Carruur Cag Weyn 2

SE01EP09 Carruur Cag Weyn 2

Waa sidee xaaladda qoysaska Soomaalida ah ee deggan Sweden? Waxa aan kala sheekaystay Khadra iyo Hana. Support the show

Feb 29, 2020 • 34:10

SE01EP08 Sihaam Muumin

SE01EP08 Sihaam Muumin

Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay tiirarka horumarka ee ugu waaweyn. Sihaam waxa ay heshay deeq waxbarasho oo Maraykanka ah, maantana waxa ay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Waxa aannu bun ku wada cabnay makhaayad ku taalla Hargeysa, goor ay wax u dhigaysay hablo da' yar. Support the show

Feb 21, 2020 • 16:01

SE01EP07 Sh. Dalmar & Qiimaha Nolosha

SE01EP07 Sh. Dalmar & Qiimaha Nolosha

Nolosha maxaa qiime u yeela, farxadda se miyaa loo shaqaystaa? Support the show

Jan 31, 2020 • 23:27

SE01EP06 Abwaan Qalinle & Mushkiladaha Haasaawaha

SE01EP06 Abwaan Qalinle & Mushkiladaha Haasaawaha

Abwaan Cabdiqaadir Qalinle waa saaxiib ka maansooda jacaylka iyo hawlihiisa. Maanta, Qalinle waxa uu ka faalloonayaa mushkiladaha haasaawaha.Support the show

Jan 26, 2020 • 25:51

SE01EP05 Koboca Maandooriyaha

SE01EP05 Koboca Maandooriyaha

Bulsho si ay horumar u gaadho, waa in ay jidhka iyo garaadkaba ka korranaataa. Waxa bulshada ku soo badanaya isticmaalka daroogooyinka kala duwan. Waa maxay sababtu, maxaa se la gudboon hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, se maxaa waalidka looga baahan yahay?Support the show

Jan 17, 2020 • 32:52

SE01EP04 Jigjiga & Jeel Ogaadeen

SE01EP04 Jigjiga & Jeel Ogaadeen

Hamse waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnayd jeelka caanka ah ee Jeel Ogaadeen loo yaqaanno, kuna yaalla magaalada Jijiga. Support the show

Jan 10, 2020 • 31:49

SE01EP03 Carruur Cag Weyn 1

SE01EP03 Carruur Cag Weyn 1

Waa maxay sababta loo la yaabo marka la arko lammaane isku faraxsan, miyaanay ahayn in lala yaabo labada kale. Raggu ma cadow baa, se dumarku ma carruur cag weyn baa?Support the show

Dec 20, 2019 • 14:19

SE01EP02 Jacaylkii Ceel Afweyn

SE01EP02 Jacaylkii Ceel Afweyn

Jacaylkii Ceel Afweyn waxa uu bilaabmay sannadkii 1991-kii. Safar Darroor lagaga tegay ayaa u sabab ahaa. Maanta, soddon sanno ka dib, labadii dhallinyarta ahaa, sidee xaalkoodu yahay? Gobaad ayaa ka warramaysa jacaylkeedii dhallaannimo.Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

Dec 13, 2019 • 29:15

SE01EP01 Waa maxay Podcast?

SE01EP01 Waa maxay Podcast?

Support the show

Dec 5, 2019 • 24:07

Switch to the Fountain App